Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Cid kasta ee ku xadgudubta Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka waliba sicad ugu gefta in ay waajib tahay in talaabo laga qaado.
Ibraahim Iidle Saleebaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya la dhaliili karo basle cidii si ulakac ah u aflagaadeeysoa hay’addaha Dastuuriga sida Baarlamaanka Garsoorka dalka iyo Calanka Soomaaliya intabada talaabo laga qaadi doono.
Waxa uu sheegay in cidii inta Masraxa soo istaagta ee mid ka mid ah Hay’addaha dowladda ku xadgudubta ay xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay in shaqsigaas waajibkiisa marsiiso islamarkaana talaabo ka qaado.
Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la Shaqeeyaan dowladda islamarkaana nadaamka dalka ay ilaaliyaan.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa hadalkaan sheegay xili Shalay uu ka qeybgalayay munaasabad tababar loogu furayay in ka badan 10 ka mid ah waaxda Garsoorka dalka taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maxkamada Sare