Dhageyso:-Cali Maxamed Geedi”Majirto cid shaki gelin karta Maqaamka Muqdisho waana mid Dastuuri ah”

Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo waliba cida ay masuuliyada ka saaran tahay.

Waxa uu sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay mid aan shaki ku jirin meel sarena  gaaray,islamarkaana ah mid Dastuuri ah cidkastana looga baahan yahay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in xaquuqda Gobolka Banaadir ka hadalkiisa uusan aheyn wax hadda soo bilaawday basle uu ahaa mid soo maray wadatashiyo farabadan sidaas silamid ahna looga baahan yahay in uu dhameystiro Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

“Maqaamka Muqdisho iyo xuuqda deegaanka majirto cid shaki gelin karta,waxana masuul ka ah cidkasta maadaama ay tahay mid dastuuri ah oo la’ogyahay heerarka ay soo martay ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media