Dhageyso:-Cali Khaliif Galeyr”Ilaalada Madaxweyne Gaas ayaa xasuuq ku haya Shacabka Khaatuma

Cali Khaliif Galeyr oo ahaa Madaxweynaha Maamulka KhAatuma balse isaga iyo taageerayashiisa ay ku biireen Maamulka Soomaaliland ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Puntland.

Waxa uu sheegay Cali Khaliif  in Ciidamo kas ocda Madaxtooyada Puntland gaar ahaan ilaalada Madaxweyne Gaas ay xasuuqeen Shacabka degan deegaanada Xaduudka ah deegaanada Puntland.

“Runtii tinikadii Madaxweyne Gaas ayaa shacabka lagu xasuuqayaa oo lagu arkayaa deegaanadeena waa markii saddexaad anaga ciidamadeena waa kuwo xaduudka ilaalinya kuna biiray soomaaliland laakin tani waa dhibaato nooga timid puntland ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr”

Cali Khaliif Galeyr ayaa haatan ah mid aan salfadhiyo laheyn,iyada oo Madaxda kale ee Maamulka Khaatuma ay ku diidan yihiin tallaabada uu ugu biiray Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Khaliif Galeyr.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media