Dhageyso:-Cali Guudlaawe oo fariin u diray Shacabka Hir-Shabeelle

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ayaa dardaaran u jeediyay Shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in Shacabka Jowhar iyo Guud ahaan Hir-Shabeelle ay waqti badan ku bixiyeen sidii ay uga hortegi lahaayeen fatahaad laga cabsi qabay in uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas  raaciyay in dhawaan Jowhar lagu Caleema saari doono Madaxweyne Waare isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay kordhiyaan wadashaqeynta Maamulka Hir-Shabeelle kala dhaxeysa.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu dhankiisa waqti gelin doono arrimaha amniga iyo ka hortaga fatahaada Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada Maamulkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media