Dhageyso:-Cabduweli Sh Cali Cilmi yare oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyay

Maalmihii l soo dhaafay waxaa baraha Bulshada ay isticmaasho wareegyay muqal ku saabsan Nin sheegsay Sawirk Nin kale in uu yahay kan Nabugeena Muxamed NNKH.

Iayda oo ay arrintaasi jirto ayaa waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo Shira Jaraa’id ku qabtay Cabduweli sheekh Cali Cilmi yare waxa uuna sheegay in laga been abuurtay isla markaana sida uu wax u dhigay si ka duwan loogu bedelay.

Waxa uu sheegay in isaga uu soo bandhigay nin Magaciisa uu ku sheegay maxamed isla markaana ah sheekhiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku qancinayo Shacabka Soomaliyeed in isagu uu yahay Nin Sheekh ah isl mrkaana aysan ka suurtoobin in uu faalkas ku dhaqaaqo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xili saakay Majmaca Culumada Soomaaliyeed ay Cabduweli sheekh Cali Cilmi yare, ku sheegeen in uu yahay nin Diinta ka baxay loona baahan yahay in uu towbad keeno.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabduweli sheekh Cali Cilmi yare