Dhageyso:-Cabdiraxmaan Seylici oo ku baaqay in laga hortago cidii wax u dhimeysa Amniga Soomaaliland

Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Soomaaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici,oo Maanta Khudbad ka jeedinayay Goob uu Salaada Ciida kula dukaday Shacabka Magaalada Hargeysa ayaa had lay arrimaha amniga.

Mudane seylici ayaa marka hore ugu baaqay shacabka Soomaliland deeganadeeda kala duwan ku nool in ay iscfiyaan maanta oo ah Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.

Waxa uu sheegay in amniga Guud ee Soomaaliland uu haatan yahay mid la’isku haleyn karo,lagana doonayo Ciidamada Soomaaliland,in ay ka hor tagaan cidkasta oo wax u dhimi karta amniga Soomaaliland.

Sidoo kale Shacabka Soomaaliland ayaa dhankooda waxa uu ugu baaqay in iyana ay qeyb ka noqdaan ammaanka sidii loo sugi lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka madaxweyne ku xigeenka Soomaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media