Dhageyso:-Cabdiraxmaan Cirro”Saldhiga Berbera ee Imaaraadka waxa uu Qatar ku yahay Amniga Soomaaliland”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI,Maamulka Soomaaliland ayaa eedeyn u jeediyey Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo maamuleysa Dekada Magalada Berbera,isaga oo sidoo kale ku sheegay in Saldhiga Berbera uu Qatar ku yahay Amniga Soomaaliland.

Guddoomiye Cirro.ayaa Shirkada DP World ku eedeeyey in ay xaquuq la’aan dhigtay Shaqaalihii ka howlgalayay Shirkada DP World,isla markaana taasi ay sababtay in Shaqaalaha qarkood ay geriyoodan.

“Walaalayaal hehsiiskii dekada berbera waxaan fileynay iney wixii jiray wax ka wanasgan soo kordhiso in Shaqaalaha mushaarkooda soo kordhisay in ay kor u qaado shaqalaha tayadooda,waxaa la ii sheegay in 9 ka mid ah  Shaqaalaha dekada ay dhinteyn waxan kaloon maqlay in Shaqooyin fudud oo Reer Soomaaliland qaban karaan in dibada laga oo qoranayo ayuu yiri Cabdiraxmaan cirro.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo hadal qaaday Saldhigga Milateri ee Imaaraadka uu ka furtay Berbera waxa uuna sheegay in Saldhigaas uu Qatar u keeni karo Soomaaliland,isla markaana Caalamka laga hadal haayo in Soomaaliya 4 Dowladood ay ka wadaan dagaal Siyaasadeed,sidoo kalena Saldhigaas uu noqon doono Xabsiyada ugu xun Caalamka.

Tan iyo Markii uu dhacay heshiiskii dekada Berbera iyo furitaankii Saldhigga Imaaraadka ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dhaliilayay heshiiskaas iyo furitaanka Saldhigaas,isaga oo marba dhinac ka soo qaadanayay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media