Dhageyso:- Cabdi Xaashi”Dowladda iyo Shacabka haka Shaqeeyaan Midnimada Soomaaliya”

Cabdi Xaashi Cabdillaahi Gudoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed loog baahan yahay in ay ka gudbaan qabiil qabiil si loo garo midnimo.

Waxa uu sheegay in hadda Soomaaliland ay sheeganayaan in ay yihiin kuwa ka Go’ay Soomaliya inted kale balse taasi asyan macquul aheyn isguna uu yahy qof jecel Midnimada Soomaaliya.

Dadka u nool Magaalada Muqdisho ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland ayuu ugu baaqay in ay kala Shaqeeyaan Midnimada Soomaaliya, isla markaana sidoo kale dowladda looga baahan yahay in ay ku tageerta.

Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay ku celceliyen in Soomaaliland ay ka mid tahay dalka Soomaaliya iyada oo sidoo kale dhowr mar y fashilmeen wadahadalo dhexmaray Msuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Xaashi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media