Dhageyso:-C/raxmaan Cabdi Shakuur”Weerarkii Gurigeyga Kheyre & Farmaajo ayaa igu khaarijin rabay”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay faah afahiyay weerarkii Ciidamo ka tirsan NabadSugida Soomaaliya ku qaadeen Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.

Xiliga uu shirka jaraa’id qabanayay ayaa waxaa hareerahiisa fadhiyay qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga ayuu sheegay in lagu soo qaaday weerar socday mudo nusa-saac ah isla markaana weerarku uu ahaa mid lagu fashilmay.

Sidoo kale wax uu sheegay in dhammaan madaxda dalka sida madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre ay weerarkaas masuulka ahaayeen lana doonayay in la khaarajiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku eedeeyay madaxda Qaranka in ay tacadi kula kaceen ehelada dadkii lagu dilay Hoygiisa oo ilaaladiisa ka mid ahaa loona diiday in ay aasaan taas bedelkeedana aan la’isga hari doonin.

Dhanka kale waxa uu sheegay in maalmahaan uu maqlayay Culumo sameynayay fadwo ama dhiigeena xalaaleynayay,kuwaas oo ku baaqayay in Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta guryahooda loogu tago taasna ay qeyb ka aheyd weerarkii laguna soo qaaday ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya dhibaatadii gaarta in ay masuul ka yihiin madaxda dowaladda gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cabiraxmaan Cabdi Shakuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media