Dhageyso:-Boqor Buurmadow oo siideyntiisii kadib War ka soo saaray dagaalka Tukaraq

Mudo dhowr bil ah kadib Maanta ayaa waxaa Xabsiga Magalada Hargeysa ee Maamulka soomaaliland laga sii daayay Boqor Cusmaan Buurmadoow,kadib Cafis uu  u fidiyey Madaxweynaha Maamulkaas Muuse biixi Cabdi.

Siieyntiisa kadib ayaa waxa uu Warabahinta kula hadlay hooygiisa isaga oo faah faahin ka bixiyey cafiska lagu siidaayey iyo sida uu u arko xiisada ka taagan deegaano ka tirsan Soomaaliland.

Boqor Cusmaan Buurmadow ayaa sheegay in isagu u yahay qof nabada jecel,isla markaana cid walba uu ku boorinayo in ay nabada ka Shaqeysa,sidaasina uusan jecleyn in Maanta uu ka hadlo wax siyaasadeed.

Waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlao cida sida rasmiga ah uga dambeysay xarigiisa oo ay Wariyayaasha waxka weeydiiyeen,isaga oo sheegay in taasi dhibaato ka weyn ka taagan tahay deegaanada Gobolka sool.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeyey maamulada Soomaaliland iyo Puntland,waxa uuna ugu baaqay in waxwalba wadahadal ku dhameeyeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Boqor Cusmaan Buurmadow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor