Dhageyso:-Boqolaal Qaxooti Soomaali ah oo dib ugu laabtay Xeryaha Dhadhaab ee D/Kenya

Waxaa Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya dib ugu laabanaya Qaxooti Soomaaliyeed kuwaas oo horay dalkooda Soomaaliya ay si iskood ah ugu laabteen balse haatan bilaabay in ay Xeriyihii ay ka tageen ay ku soo laabtaan kadib markii ay u adkeysan waayeen nolosha Soomaaliya.

Boqolaal Qaxooti ah ayaa la’arkay,iyaga oo dib ugu laabanaya Xeryaha Dhadhaab kuwaas oo hatan la soo sheegayo in ay heeysato xaalad cakiran oo dhanka nolosha ah si ay qaxootigaas qaarkood ay qirteen.

Qaar ka mid ah dadkaas oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay heysato nolol tii ugu xumeyd islamarkaana ay nolosha qoyskooda ay ku dabaraan Shaqooyin yar yar oo ay qabtaan.

Sidoo kale wax ay sheegeen in habeen iyo Maalin ay banaanka jiifaan islamarkaana aysan jirin cid haatan garabsiisa.

Sikastaba badankooda dadkaas waxa ay ku laabanayaan Xerada Qaxootiga ifo 2 ee dalka Kenya si ay uun noloshooda u maareeyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah dadkaas dib ugu laabtay Xeryahaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media