Dhageyso:-Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya oo ka shiray ka hortaga fikirka waxa loogu yeero Argagaxisada

Dowladaha Caalamka ee taageera Soomaaliya Saraakiil ka socotay Midowga Africa ee Amisom, IGAD iyo Wasiiro katirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka looga hadlayey ka hortaga fikirka ay ugu yeeraan Beesha Caalamka xagjirka  oo ay wadajir u fureen safiirka dowlada Sweden iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed khaddar

Dowlada Sweden  ayaana qaadatay doorka hogaamineed ee dowladaha Caalamka ee Soomaliya ka taageeraya la dagaalka fikirka Al-Shabaab safiirka dalkaas ayaana heshiis ku aadan arintaas la sixiixday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka

Wasiirka War-faafinta Soomaliya Cabdiraxman Cumar Cismaan yariisow ayaa War-baahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad u xoojisay Arimaha Ammaanka Waxa uu intaas ku siidaray in Bisha December la soo bandhigi doono isbadalkii laga sameeye Ammaanka

Shirka Maanta ayaa ah mid daba socday shirkii amniga Soomaaliya kaas oo ka dhacay Magaalada london  ee dalka Ingiriiska ujeedka ayaana lagu tilmaamay dhaqan gelinta ka hortaga fikirka iyo ciribtirka Al-Shabaab

Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa dowladaha taageera ee Caalamka ayaa wada dadaal ku aadan sidii ay kaga adkaan lahaayeen Al-Shabaab kuwaas oo wareeraro ka fuliya Xarumaha dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya