Dhageyso:- Batuulo Gaballe oo ka hadashay Weerarkii lagu dilay Wiilkeeda iyo Xoghayihii Ururka Haweenka

Degmada Xamarweyne waxaa Maanta ka dhacay weerar lagu rasaaseeyay Gaari ay laheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Canab  C/llaahi Xaaji iyo Axmed Jaamac Xersi oo ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Batuulo oo Wareysi siiyay radio Dalsan ayaa xaqiijisay dhimashada Wiilkeeda iyo Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Balse macadeyn sababta loo weeraray Gaarigeeda iyo cidda ka dambeysay falkaas khasaaraha geestay.

Wiilka ay dhashay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa dhawaan ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Canada halka Canabna ay kasoo laabatay Dalka China oo ay dhawaan u joogeen kulamo ay lalahaayee Haweenka Dalkaas.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga kana Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media