Dhageyso:-Banaanbax ka socda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta ay halkaasi ka socdaan banaanbaxyo ay dhigayaan Shacabka ku nool Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay ka cabanayaan in wax laga qabto mid ka mid ah dadka degmada Afgooye oo ay ciidamada Amisom dhawaan dhaawaceen basle dhaawacaasi u geeriyooday sida ay sheegeen dadka banaanbaxa dhigayay.

Mid ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaya oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in guud ahaan Goobihii Ganacsi ee Magaalada Afgooye ay xireen, isla markaana ay ka cabanayaan dilka ay ciidamada Burundi u geesteen ninkaasi Reer Afgooyaha ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu socon doono ilaa iyo hada laga jawaabayo cabashadooda, haatana uu weli banaanbaxu socdo.

Sidoo kale waxa  aan weeydiinay Su’aal aheyd in arrintaan iyo banaanbaxa ay dhigaan in uu soo farageliyay Maamulka degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin cid la hadashay oo ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media