Dhageyso:-Banaanbax ka dhan ah Israa’iil oo laga iclaamiyay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa manta kulan ku yeeshay Msuuliyiin k tirsan Hay’adda Majmca culumada soomaaliyeed,iyada oo kulankooda ay uga hadleen Xasuuqa ay Israel ka wado Daanta galbeed ee Dhulka Reer Falastiiniyiin.

Masuuliyiinta Hay’adda ayaa Cambaareeyay falkaas,waxa ayna sheegeen in ay iclaminayaan Banaanbax ka dhan ah dowladda Israa’iil iyo falalka ay ka wado dhulka ay leyihiin Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiiniyiin.

Culumada ayaa waxa ay sheegeen in banaanbaxaas lagu muujin doono sid ay uga xunyihiin falkaas,islamarkaana Shacabka Falastiiniyiinta ee Walaalaha ay dhibka gaaraya la qeybsanayaan sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Majmaca Culumada Soomaaliyeed.

Sidoo kle culumada aya kulankooda ku dalbaday in sideg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ka soo cusboonaaday.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warka ka soo baxay Culumada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Culumada Soomaliyeed:-

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media