Dhageyso:-Banaanbax ka dhacay degmada Kaaraan ee G/Banaadir

Boqolaal ka mid ah dadka ku Ganacsada Suuqa degmada Kaaraan ayaa saakay wax ay gebi ahaanba xireen Ganacsigoodii kadib markii ay ka cawdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dadkaan ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah ciidamada dowladda,oo ay sheegeen in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dilal u geysteen qaar ka mid ah Ganacsada,isla markaana Maamulka degmada uusan waxba ka qaban.

Duqa cusub ee Muqdisho ayeey fariin u direen Ganacsatada inuu wax ka qabto dhibaatooyinka shacabka ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

Maalin ka hor ayaa Gudaha degmada Kaaraan waxa ku dagaalamay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya,waxaana halkaasi ku geeriyootay Haweeney ka mid aheyd Ganacsatada.

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Maamulka degmada uu u tegay banaanbaxayaasha,isla markaana ku qanciyay in dhibaatada heysata wax badan laga qaban doono.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Qaar ka mid ah Banaanbaxayasha.