Dhageyso:-Baarlamaanka Galmudug oo la horgeynayo mooshin jawaab u ah Cabashada Ciidamada Booliska

Gudiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka jawaabay cabashada ka timid Saraakiisha ciidamada Booliska Galmudug kuwaas oo sheegayay in mudo ka badan Saddex Sano aysan helin xaquuqdii ay lahaayeen.

Gudoomiyaha Gudiga Amniga iyo Xaduudaha ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka  Galmudug kana mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug  Duraan Cali Jaamac ayaa sheegay in cabashadaas ay wax ka ogaayeen isla markaana ciidamadaas ay ahaayeen kuwo ku Shaqeynayay duruufo adag oo aan wax mushaar ah helin.

Waxa uu sheegay in arrintaasi ay masuul ka yihiin Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug iyo madaxda dowladda Federaalka taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan Karin isla markaana ay aad uga xun yihiin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu kala xisaabtami doono Madaxda Sare ee Galmudug sababta mudo intas oo sano ah ay ciidamada Booliska Galmudug ku waayeen mushaaraadkooda.

Xildhibaan  Duraan Cali Jaamac ayaa ugu dambeyn sheegay in cabashadaan aysan aheyn mid ugu horeysay balse ay tahay mid mudo soo socotay taasina ay sabab u aheyd in bilihii u dambeeysay Galmudug uu qalalaaso ka jiray.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan  Duraan Cali Jaamac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media