Dhageyso:- “Axmed Madoobe,Ma aqbaleyno in la Shaqaaleyo dad ka yimid Dibadda”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay qaabka loo marayo dadka ay xiligaan Shaqaleyneyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aan marnba laga aqbaleyn in Dadka la Shaqaaleynayo laga keeno dalka dibadiisa.

“maanta hadii nolosha laga bilaabo lacag aad u farbadan,islamarkaana Shaqaalaha la qaadanayo laga keeno dalka Dibaddiisa,halkee ayay nolol ka imaaneysaa, war waxaan leeyahay dowladda iyo Hay’addaha Samafalka dadka dalkaan ku nool hala Shaqaaleysiiyo”Sidaasi waxaa yiri Axmed Madoobe.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu ka sheegay Munaasabad Maanta lagu daahfurayay Shirka Dhismaha Golayaasha Dowladaha Hoose oo ka furmay Magaalada Kismaayo.

 

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media