Dhageyso:-Aqoonyahan ka digay baaba,ku imaan kara Shillinka Soomaliga

Dhawaan deegano kamid ah gobolada qaar ee Dalka waxaa kataagnaan sicir barar saameeyay dadka kadib markii ganacsatada deegaanadaas ay diideen inay qaataan shillinka Soomaliga waxayna taasi keentay in ay xirmaan goobo badan oo gancsi waxaana hoos u dhacay qiimaha  shillinka Soomaliga iyadoona intabadan wax lagukala iibsado lacagta doolarka

Banaanbax Balaaran ayaa hareeyay magaalooyin dhoowr ah oo laga diiday adeegsida ama isticmaalka Shillinka Soomaliga waxaana kamid ah magaalada  Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,oo ay bananbax xoogleh ka dhacay taas oo keentay in la boobo goobo ganacsi kadib markii dadka banaanbaxa dhigayay  ay  ka cabanayeen  Lacagta Shilinka Soomaaliga oo la diiday  inkastoo haatan xaaladu dagantahay intabadan goobaha ganacsigana dib loo howlgaliyay

Guuleed Wiliq wiliq oo ah aqioonyahan  kuxeel dheer arimaha dhaqaalaha  kuna sugan Dalka Mareykanka ayaa  baaq ujeediyay Dawlada iyo Bangiga dhexe isagoona ka digay baa,ba ku imaan kara shilLinka Soomaliga maadaama buu yiri ay dhici karto dhibaato aan loo jeedin xilligan  in ay dhici karto lexda bilood ama sanadka soo socdo dawladana  loo baahanyahay inay dadka u sheegto waxa jiro maadama masuuliyad ay kasaarantahay ilaalinta shacbka  iyo Dalka

Aqonyahankan aya sidoo kale kahadlay inay aad muhiim u tahay in ay hanato Dawlada dhexe  dhaqaalaha iyo canshuuraha kasoo xarooda Dakadaha ay maamulaan maamulgoboleedada  wuxuuna sheegay in taasi ay keeni karto kobac dhaqaale wuxuna Dawlada ugu baaqay inay kafakarto habkii ay ku qaadi lahaayeen canshuuraha dakadaha maamulgoboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Aqoonyahanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media