Taliska Booliska dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay amaro ku soo rogeen Darawalada Mootooyinka Bajaajka oo si aad ah looga isticmaalo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya Korneel ,Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Mooto Bajaajka ay dhibaato weyn ku heyso amniga Magalada Baydhabo,isla markaana shilalka ugu badan ee Magaalada ka dhaca ay qeyb ka tahay.
Waxa uu sheegay in Magalada Baydhabo ay la ciir ciireyso kumanaan Mooto bajaaj ah,taas oo magaalada u horseeday ciriiri farabadan iyo in magalada ay ka dhacaan shilal dadka dhibaato u geysata,iyo falal amnidarro sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu digniin u diray Ganacsatada Farmashiyasha ku leh Magalada Baydhbao oo u sheegay in ay Darawalada Mooto Bajaajka ka iibiyaan Kaniini miirkiisa bedelaya,taasina ay keentay in shilalka bataan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.