Dhageyso:-Al-Shabaab oo Gubay tuulooyin ka tirsan Shabeellaha dhexe

Shalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom waxa ay sibuuxda ula wareegeen deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Caloof (Dhagaweyne) OO Wreysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in markii hore Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen balse ay ku hareen rag tiroyar kuwaas oo miinooyin ciidamada u dhigi jiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay duugeen Ceelbiyoodkii ku yaalay deegaanka Cali fooldheere,iyo in ay Gubeen tuulooyin kale oo ay deganaayeen dad Shacab ah sida uu hadalka u dhigay.

Gabagabadii waxa uu sheegay in dhamaan deegaanada ay iminka Gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga dalka soomaaliya islamarkaana awoodii Al-Shabaab ay wiiqmeen,goobahaasna ay la wareegi doonaan Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka amisom.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhamestiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media