Dhageyso:-Al-Shabaab oo Ganacsato ku xir xiray G/Shabeellaha Dhexe

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hadlay Ganacsatada qaarkood ee aada deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab isla markaana la kulma.

Gudoomiyayaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan Ganacsatada ay u yeeraan Al-Shabaab balse maamulku uusan celin Karin,taas oo ah in Ganacsatadu aysan maamulka u arkin mid dhibaato ku ah.

Waxa uu sheegay in Ganacsatadii loo yeeray ee aaday deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab aysan waxba ka soo faa’iidin oo intoodii badneyd ay xir xireen sida uu hadalka u dhigay,laakin ay ka badbaadeen kuwii aan aadin ee diiday.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu soo hadal qaaday amniga degmada Balcad wxa uuna sheegay in qorsha amni ee degmada laga doonayo Maamulka Hir-Shabeelle iyo dowladda soomaaliya kadib weerarkii ay shalay kula wareegeen degmadaas Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media