Dhageyso:-Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah oo ku dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Dagaalkaan u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ka huyaan Ciidamada Jubbland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas uu ka dambeeyey kadib markii ay Al-Shabaab doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen.

Madaxa Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dadka xoolo dhaqatada ah oo ku sugan deegaanka Urungoow oo 7km u jira degmada dhoobleey ay ku soo wargeliyeen Ciidamada Jubbaland dhacdadaas.

Waxa uu sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo dadka xoolo dhaqatada ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab,isla markaana ay badbaadiyeen dadkii la doonayay in xoolahooda xoog lagu kaxeysto sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay wadada dhinaceeda Miino ku aaseen taas oo geystay khasaaro aad u yar,isla markaana xaalada deegaanka Urungoow ee gobolka Jubbada Hoose ay tahay mid degan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media