Dhageyso:- “Ahlusuna “Ciidamo Isbaheysi ah ayaa na soo weeraray waana jebinay

Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa ka hadlay dagaalkii Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna ee goblada Dhexe Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula,ayaa sheegay in ay soo weerareen Ciidamo Isbaheysi ah.

“saakay waxa naso weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo Cadaado ka yimid,iyo ciidamo ka yimid Gaalkacyo oo ka tirsan Maamulka Galmudug xataa Puntland ciidamadooda weey ku jiraan ayuu yiri Muxudiin Jakuula.

Wax uu sheegay in laba Goobood ay soo weerareen ciidamadaan Isbaheysiga ah islamarkaana ay iska difaaceen ayna jebiyeen sida uu hadalka u dhigay.

 

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Codka Muxudiin Jakuulka

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media