Dhageyso:-Afar Ruux oo loo xiray Meyd lagu arkay Goob Ganacsi oo ku taalla Muqdisho

Maamulka degmada Xamarweyne iyo laamaha amniga ayaa baaritaano ku haya dad loo qabqabtay Meyd karfaneysan oo lagu dhex arkay Goob Ganacsi oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Goobtaan Ganacsi oo ku taalla agagaarka Kawaanka Hilibka Xamarweyne ayaa ah Makiinada Cajiinka lagu shiido,waxana lagu arkay Meydka oo karfaneysan taas oo dadka ka agdhow Goobtaas ay aad ula fajaceen.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Xamarweyne oo Goobta tegay ayaa Xabsiga dhigay 4 Ruux oo isugu jira Ehelada Goobta Ganacsi iyo dad ka Shaqeynayay Goobta oo uu dhismo ka socda.

Xogheyaha degmada Xamarweyne Maxamed Qeys oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in dadka falkaas loo qabtay ay baaritano ku socdaan isla markaana ay geeyeen Xarunta dembi baarista ee CID-da.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xogheyaha Maamulka degmada Xamarweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media