Dhageyso:-Abwaaniin ka hadlay geerida Fanaanada Gaduudo Carwo

Waxaa xalay xiligii Salaada Subax  magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abuukar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952.

Shamis Abuukar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd, waxaana geerideeda xaqiijiyay qaar ka mid ahelkeeda iyo fanaaniinta ku nool Magaalada Hargeysa Ee deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Xilligii ay Guduudo Carwo bilowday in ay heesto, dumarka kuma aysan dhiiran jirin xiligaas fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abuukar aysan billaabin heesaha. Maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Hadaba fanaanada Ubax Fahmo iyo Abwaan Aadan Tarabi oo labadaba ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa ka sheekeynaya waxa ay ka yaqaaneen Allaha u Naxariistee Shamiis Abuukar Gaduudo Carwo.

Hoos ka Dhageyso Codadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media