Dhageyso:-5 Qodob oo uu Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Wareysi uu bixiyey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi siiyey Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin,Dagaalka Tukaraq, muhiimada heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya,kobaca dhaqaale e dalka,dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dalka la maalgashado si uu u kobco dhaqaalaheeda,iyada oo taasi laga duulayana uu booqasho hal maalin ah Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxweynaha hadalheyntii todobaadkaan ee aheyd in dekadaha Soomaliya lasiiyey Itoobiya,waxa uuna sheegay in dekadaha ay ku yaallan Soomaaliya dhaqaalaha ka soo xaroodana ay soomaaliya leedahay,kana imaan karaan wadamada Afrika iyo Yurub intaba.

Isaga oo ka hadlayay darbiga Kenya ka dhiseysay xadka ayuu sheegay in labada dowladood ay isla qaateen in darbigaas la joojiyo ka dibna guddi loo saaro kuwaas oo baaritaano dhab ah soo sameeya,isla markaana warbixin ka keena halka darbiga laga dhisayo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalada Tukaraq waxa uuna sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dagaalkaas uu yahay mid nasiibdarro ah kaas oo mudo 28 Sano kadib weli uu daadanayo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxa uuna ugu baaqay labada Maamul in ay dib u heshiisiin bilaabaan si xiisada loo qaboojiyo.

Wareysiga Madaxweyne Farmaajo uu siiyey Warbaahinta dowladda oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay dagaalka Al-Shabaab,waxa uuna sheegay in dhalinyaro farabadan oo ay qaldeen Al-Shabaab ay ka bar bar dagaalamaan,waxa uuna ugu baaqay in dowladda ay ku soo biiraan,loona sameyn doono dhaqancelin iyo daryeel wanaagsan.

Su’aalaha la weeydiiyey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa in markii dalka uu galo xiisad siyaasadeed uu mudo ka aamusnaado,waxa uuna ku jawaabay.

“Runtii aniga wax igama bilaawdaan ee wey igu  dhamaadaan,waayo waa meeshii loo noqon lahaa laakin hadii uu marka hore hadlo malaha meel loo laabto,marka waxan kuu sheegayaa in arrimaha hoose ay Shaqadiisu tahay Ra’iiaul Wasaaraha oo ay ka hoos Shaqeeyaan golihiisa Wasiirada iyo Shaqaalaha kale,waxaana cadeynayaa  in aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha isqaban doonin sida ay dad badan ku fikirayaan ayuu yiri Madaxweynaha.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Farmaajo ee Warbaahinta Dowladda oo siiyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor