Dhageyso:-5 Bilood kadib lacagta Shilinka Soomaaliga oo laga isticmaalayo Baladweyne

Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay qorsho lagu isticmaalayo lacagta Shilinka Soomaaliga oo mudo 5 bil ah aan looga adeegan Magaaladaaas.

Ganacsatada ayaa hirgeliyay Gudi iyo Xarun Ganacsi oo lacagtaas laga isticmaalayo gaar ahaan mida uga timaada Magaalada Muqdisho maadaama ay horay u diidanaayeen lacag uga timid deegaanada Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Gudigaan u istaagay Socod-siinta lacagta Maxamed Keynan oo Warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in sidii ay suurtagal ku noqon laheyd isticmaalka lacagtaan waqti badan la geliyay.

Waxa uu sheegay in kulamo Gooni Gooni ah oo ay wada qaateen Ganacsatada ugu dambeyn lagu Go’aamiyay in la qaato oo kaliya lacagta laga isticmaalo deegaanada Koonfurta Soomaaliya sida Magaalad Muqdisho.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in hada kadib Magaalada Baladweyne ay sicaadi ah looga isticmaali doono lacagta Shilinka Soomaaliga oo ay dhibaato ku qabeen Shacabka Magaaladaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudigaan u istaagay Socod-siinta lacagta Maxamed Keynan.