Dhageyso:-27 Sano kadib Saldhigga degmada Baardheere oo dayactir lagu sameeyay+Sawiro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ,islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada Baardheere,Mas,uuliyiinta Maamulka degmada iyo Saraakiisha laamaha kale duwan ee Ciidamada ayaa maanta lagu qabtey Saldhiga Booliska degmada Baardheere oo mudooyinkanba ay ka socotey Dayactir iyo Qalabayn.

Col,Maxamuud Cali Axmed(Maxamuud Yare) oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo oo ka hadlayey xafladii  Dayactirka Saldhiga ayaa sheegay dib  u habaynta lagu sameeyey Saldhiga in ay iska kaashadeen Maamulka degmada iyo Saraakiisha Booliska,waxaana uu sheegay in Saldhiga hadda uu yahay mid si wanaagsan loogu shaqeyn karo,islamarkaana laga hergeliyey Qaar ka mid ah Qalabka muhiimka u ah shaqooyinka Booliska,sida raadiyayaasha,Computaro,Mootooyin,Direyska Ciidanka iyo Soolarka cad ceeda ku shaqeeya.

Ismaaciil Sh Cabdi Qorax (Koofi) oo ah ku simaha Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaanay Taliyaha Qeybta isku dayga balaaran ee uu ku dayactirey Saldhiga iyo Qalabka uu keenay,Adeegyadaasi oo laf dhabar u ah shaqooyinka Booliska uu qabto ayuu sheegay in wax weyn ay ka tari doonaan baahida booliska iyo howlaha lagu sugayo amaanka deegaanka.

Saldhiga Booliska degmada Baardheere oo ka mid ahaa Goobaha danta guud ee ay ku bur bureen Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa 27 sanno ka dib,talaabadani ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo uu soo gaarey degmada Baardhere,horaaantii bishii decembar ee sanadkii la soo dhaafey,isagoo degmada soo gaarsiiyey Qalabkii looga shaqeyn lahaa Saldhiga Booliska degmada.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada Xaflada furitaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media