Dhageyso:- 14 Ruux oo Saacadihii la soo dhaafay ku geeriyootay Degmada Jalalaqsi

Ku dhawaad 14 qof ayaa waxa ay degmada jalalaqsi ugu geeriyoodeen Saacadihii las oo dhafay Cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimadaadka iyo Maamulka degmadaas.

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Abuukar Maxmed ayaa Dalsan waxa uu sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay degmadaas ku geeriyoodeen 14 Ruux (Toban oo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax gargaar ah oo soo gaaray Maamulka degmada Jalalqsi iyo isbitaalka Degmadaas marka laga reebo gurmad ay sameynayaan Bulshada degmadaas.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaas ku daray in ay delbanayaan in gargaar la soo gaarsiiya Isbitaalka degmada si dadka kale ee weli cudurka la jiifa loogu daaweeyo.

Inta badan degmooyin ka mid ah dalka ayuu ka dilaacaa Cudurka Shuban Biyoodka,waxna u geeriyooda dad Carruur u badan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Jalalaqsi.