Dhageys:-Howlgal Miino Baaris ah oo ka bilaawday Shabeellaha Hoose

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in qeybo ka mid ah gobolkaas ay ka bilaabeen howlgallo Miino baaris ah kadib markii Al-Shabaab ay Wadooyinkaas geliyeen Miinooyin dhowr ah.

Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ciise oo wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan xarunta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in holgalka ay ka sameeyeen deegaanada Buufoow lambar Konton ilaa deegaanada lambar Lixdan ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in howlgalkaas ay ku guuleesten in ay dhulka ka saaraan ilaa 18 miino oo uu ku eedeyay in ay Al-Shabaab geliyeen,balse haatan deegaanadaas ay yihiin kuwo amni ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin cid ka hortimid intii ay wadeen howlgalka amni xaqiijinta ahaa.

Sikastaba Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya dagaaladaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media