Dhagayso:- Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Carmo Kuna Wajahan Boosaaso

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaha Maamul Goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay Wafdiga Labada Madaxweyne.

Safarka madaxweynaha JFS ee Carmo aya ah mid dhanka lugta ah waxaana ku wehlinaya madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland.

Waxaana halkaas Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Dadyow aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan, kuwaasi oo ku faraxsan soo gaaristooda madaxweynaha JFS.

MD Farmaajo Ayaa Kaga Mahad Celiyay Soo Dhaweynta Wanaagsan ee dadka deegaanka ay usmeeyeen iyo nabad jeclidooda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaankaasi.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa deegaanka uga sii gudbi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyada oo amaanka magaaladaa si aad ah loo adkeeyay, shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa dhankooda diyaar garow xooggan ugu jiraan soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Shacabka Reer Boosaaso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media