Dhagayso: Gudoomiye Taabit oo Amray in la soo qabto Askirigii dilay marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit  Cabdi  Maxamed ayaa shir jaraa’d oo uu qabtay caawa  gudaha M/Muqdisho waxa uu marka hore Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan oo maanta Askari ka tirsan Ciidamada taraafikada  uu ku dilay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Faloorance iyo  Geed Jaceyl.

Dilkaas Mrxuumka ayaa maanta sababay in ay dhacaan dibadbaxyo ay dhigayeen Shacab ka caresnaa dilkaas iyaga oo mudo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Gudoomiye Thaabit ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba laga aqbali doonin ciidamada noocyadooda  kala duwan in ay Shacabka dhibaateeyaan waxa uuna amray in la soo qabto askarigii   ka dambeeyay dilka Marxuumka oo baxsaday.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media