DEGDEG: Daawo:-Qarax ka dhacay Fagaaro uu Ra’iisul-Wasaaraha Ethiopia ka khudbaynayey

Qaraxaasi ayaa lala beegsaday Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayey Siyaasadda Ra’isul-wasaraaha Cusub ee dalkaasi, Abyi Ahmed, kaasi oo maanta ka dhacay Fagaaraha  Meskel Square ee bartamaha magaalladda Addis Abeba.

Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo la sheegay inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

Shabakadda Wararka ee The Addis Standard waxay ka soo xigatay Sarkaal Bolis oo sheegay inuu Qaraxaasi ahaa qarax yar iyo inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in qarax laga maqlay Dibadbax ka dhacay magaalladad Addis Abeba, oo lagu taageerayey Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo isagu bishii April xilkaasi loo doortay.

“Waxa uu ahaa Bam-gacmeed, qof ayaa isku dayey inuu ku dhaawaco dadkii joogay goobta laga khudbayney, halkaasi oo uu Ra’isul-wasaaruhu ku sugnaa” ayuu yiri Seyoum Reshome oo xubin ka ah Guddiga Qabanqaabadda,

Wuxuuna intaasi ku daray in waxa dhacay uu ahaa Bam-gacmeed.

Muuqaal Video oo la soo dhigay Baraha Bulshadda waxa uu muujinayey Ilaaladda Khaaska ee Ra’isul-wasaare Abyi Axmed ka saaraya goobta Dibadbaxa, wax yar kadib, markii uu qaraxu dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor