Dhageyso:-Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe+Sawirro

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaal loo haystay Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa eedaysanayaasha ku kala xukuntay Toogasho,xabsi daa,in kuwo kale armar ku bixisay in xoriyadooda dib loo siiyo maadaamada lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay go,aanka maxkamadda ee ku aadan eedaysanayaasha.

Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Shabaab, qaybta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka fulisa Gobolka Banaadir, wuxuuna masuul ka ahaa labadii qarax ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo wadada Danwadaagta, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay gaarigii ku qarxay Danwadaagta in gacantiisa uu ku waday, ciidamadana ay qabteen.

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in, waxaa lagu eedeeyay inuu Shabaab ka tirsan yahay, wuxuu u qaabilsan yahay soo iibinta gaadiidka loo adeegsado qaraxyada, isaga oo lahaa gaarigii Homayda ee ku qarxay Suuqa Beerta 26- 11 -2016, wuxuu kaloo lahaa gaarigii TM-ka ee Zoobe ku qarxay.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaa lagu eedeeyay inuu Shabaab ka tirsan yahay, sidoo kalena damiin ahaan uga sii daayay Siinka dheer gaarigii ku qarxay Isgoyska Zoobe.

Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

14 Bishii Octoober ee Sanadkii tegay e 2017 ayaa waxaa Isgoyska Zoobe ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen in ka badan 600 ( Lix Boqol) oo qof,waxana dadka Maanta la xukumay ay ka mid ahaayeen dadkii loo qabtay qaraxaas.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media