DEG DEG:-Dhageyso:-Banaanbaxyo ka socda Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa banaanbaxyo ka dhigaya Wadooyin waaweyn oo ku yaalla muqdisho kaas oo ay kaga soo horjeedaan Go’aankii Trump uu Caasimadda Israa’iil uga dhigay Magaalada Quddus.

Qeybo badan oo ka mid ah Wadada Maka Almukarama ayay banaanbaxyadu ka  socdaan laga soo bilaabo kadib Salaadii Jimcaha,waxayna ku dhawaaqayaan Trump doonimeyno iyo erayo kale.

Waxaa hakad ku jira isku socodka Gaadiidka,waxana kaliya socda dadka banaanbaxa dhigaya,iyaga oo wata Boorar lagu Sawiray Magaalada Barakeysan ee Quddus.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale fuulay Taalada km4,iyaga oo ku qeylinaya Magaalada Quddus waligeed weey jireysaa iyo Erayo ay ku tageerayaan Shacabka reer Falastiin.

Dhanka kale Khudbadii Jimcaha ee maanta ayaa waxaa Masaajidada Waaweyn ee Muqdisho lagu soo qaatay Go’aankii Trump ee uu ku sheegay in Magaalada Quddus ay tahay Caasimadad Yuhuuda,sida uu sheegay Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Cabdi Xayi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media