DEG-DEG:- Dhagayso: Dab Goor Dhaw Ka Kacay Warshadda Isbuuyada Mubaarak Xarunteeda Dagmada Hiliwaa

Wararka naga soo gaaraya Dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxaa goor dhaw dab uu ka kacay warshadda isbuunyada Mubaarak xarunteeda dagmada hiliwaa ee magaalada muqdisho.

Goobjooge ku sugan nawaaxiga xarunta ayaa Dalsan usheegay in dabku wali uu olalayo isla markaana ay soo geereen ciidamada amniga dagmada iyo gawaarida dab damiska ah ee gobolka banaadir iyo kuwa shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyada oo aan wali lagu guulaysan bakhjiitinta Dabkaas.

Waxaana wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in dabkaasi uu kaco sida Radio Dalsan ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Warshadda isbuunyada Mubaarak, sidoo kale Waxaa wali la ogayn Khasaaraha nafeed marka laga soo tago in uu jiro mid hantiyadeed.

Saameynta ugu badan waxa uu soo gaaray School-ka  Hooyga Xmar iyo Guryihii kale ee ka ag dhawaa Xarunta Waana Markii labaad ee xarunta warshadaasi uu qabsado dab.

Halkan Ka Dhagyso Codka Goobjoogaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media