Daawo:-Sheekh Shariif oo sheegay inay Dowladiisa horey u saxiixday Heshiiskii Iskaashiga Milliteri ee Imaaraadka ee haatan cakiran

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Telefishinka Al-Carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga, balse oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo Imaaraadka.

Wareysigaasi oo socday in ka badan 8-daqiiqo waxa uu Sheekh Shariif kaga hadlay Xiriirka Qadiimiga ee ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka, wuxuuna xusay inuu Xiriirkaasi soo taxnaa ka hor intaysan Dowlado ka hanaqaadin labada Waddan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay in Burburkii Dowladeed ee Somalia kadib inay  Dowladda Imaaraadka taageeri jirtey Somalia, isla markaana ay Muwaadiniin badan oo Somali ah u qaxeen Imaaraadka, kuwaasi oo nolol wanaagsan ku haysta dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Heshiiska Iskaashiga Milliteri ee labada dal, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Heshiiskaasi la saxiiday Madaxda Imaaraadka,  si loo tababaro Ciiddanka Somalia oo xilligaas dagaal adag kula jirtay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaani iyo Ku-xigeenkiisa, ahna Amiirka Dubai, Sheekh Maxamed Bin Raashid la saxiixday, kuwaasi oo uu xusay inay taageero ka geysteen Tababarka Ciiddanka Somalia iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Ammaanka.

Mar wax laga weydiiyey Sheekh Shariif Diyaaradii Imaaraadka ee lacagta waday ee lagu qabtay Madaarka Muqdisho waxa uu ku gaabsaday  in loo baahan yahay in DFS wax laga weydiiyo arrintaasi.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa wax laga weydiiyey Khilaafka cusub ee u dhexeeya DFS iyo Imaaraadka, waxa uu sheegay inuusan Waayadan joogin Somalia oo uu ku noolaa Mandiqada, balse uu dhawaan tegay Somalia, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka wada xaajoodeen Xiisadaha Taagan, isla markaana uu Aragti ahaan rumeysan yahay in loo baahan yahay in Khilaafka lagu xaliyo Wada-xaajood Diplomaasiyadeed, maadaama ay Somalia ka maarmi Karin Xiriirka dalalka Carabta iyo kuwo kale.

Xigasho: Alarabiya TV.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka wareysiga Shariif Sheekh Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media