Dhageyso:-Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo faah faahiyay qaraxii ka dhacay M/Muqdisho+Sawirro

Abaara Tobankii Galabnimo iyo Daqiiqado ee Maanta ayaa waxaa marqura laga mqlay jug culus inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir kadib qarax ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa Gaari laga soo buxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo la dhigay Goobo Ganacsi oo ka soo horjeeda Hotelka wehliye ee Magaalada Muqdisho balse markii ay ciidamadu ka warheleen Wadada ay xireen, balse markii dambe uu qarxay.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux uu mid ka mid ah yahay sida ay sheegeen laamaha amniga Soomaaliya qofkii waday Gaariga qaraxay iyo qofka kale oo ah Shacab halka ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi, waxa uuna sheegay in khasaaraha Guud uu yahay dhimashada labada ruux iyo dhaawaca 9 ka kale.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la geeyay Goobaha caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo,waxaana hada Goobta ka socda Nadiifinta Goobtii qaraxa oo burbur uu ka muuqdo.

Dhinaca kale waxa uu burbur xoogan soo agaray Goobaha Gnacsi eek u teedsan agagaarka Hotelka Wehliye oo ah halka uu qaraxa ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso:- Codka kana Daawo Sawirrada Qarax

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media