Daawo:-Hey’adda UNDP oo deeq ku wareejisay Qaar kamid ah Wasaaradaha Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed

Hey’ada QM u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP ayaa maanta deeq kala duwan ku wareejisay Qaar kamid ah Wasaaraha Xukuumada Federalka iyo Dowlad-Goboleedyada,Mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Saraakiisha Hey’adaasi ayaa si wadajir ah Xarunta UNDP-da ee Muqdisho ugu qabtay Shirjaraa’id kaas oo lagu faah faahiyay nooca deeqda maanta la wareejiyay.

Wasaarada Tarmarta iyo Kheyraad Biyaha Xukuumada Federalka ayaa lagu wareejiyay 5-gaari oo 4-kamid ah ay leeyihiin Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubaland,sida uu sharaxay Cismaan Libaax oo ah siihayaha Xilka Wasiirka Wasaaradaasi.

Cilmi Cumer Ceynsane Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ahna sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradaasi ayaa dhankiisa ka hadlay deeqda maanta ay ka heleen hey’adda UNDP taa oo aheed Jikooyin gaas ku shaqeenaya oo loogu talagay dadka barakacayaasha si ay uga maarmaan isticmaal Dhuxushada.

Madaxa Hey’ada UNDP ayaa suxufiyiinta la hadlay kadib wareejintii deeqdaa ay ugu talagaleyn Wasaaradaha Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed.

“  “Dhuxusha waxay caqabad ku tahay Ammaanka, iyo Horumarka Somalia , waxayna dhuxusha dhibaato u keentaa Deegaanka iyo dhaqaalaha,Qiiqa ka dhasha Dhuxusha iyo Dabka waxaa loo aqoonsan yahay Dilaaga Aamusan, waxayna dhibaato u keentaa Haweenka Soomaaliyeed,Hay’adda WHO waxay  ku qiyaastay in sannad kasta in ka badan 11.000 oo Soomaali u geeriyoodaan   cudduradda ka dhasha arrintaasi, waxayna tiradaasi labo jeer ka badan tahay dadka Caalamka ugu geeriyooda colaadaha iyo Amni-xumida”

 Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warbixinta Warkaan oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media