Daawo:-Hay’adda SIMHA oo Maanta Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan Xorriyadda Saxaafada

In ka badan 30-Suxufi ayaa ka dooday Xorriyada Saxaafada Somalia,Hay’ada SIMHA oo ay ku mideysan yihiin Warbaahinada Madaxabanaan ayaana suxufiyiintaa u qabatay doodaasi Gudaha Magalada Muqdisho.

Kulankan dooda ahaa ayaa qabsoomay maalin ka hor 3-May Maalintaa oo dunida laga maamuuso Maalinta Saxaafada madaxabaan ee Caalamka,Waxaana maanta laga munaaqishooday aragtida laga qabo heerka xorriyada Saxaafada Somalia,marka la eego wadamada Africa.

Waxaa taallay goobta dooda lagu qabanayay dhowr Su’aalood oo suxufiyiintu isweeydiinayeen laakin uu sharaxaad ka bixiyey Gudoomiyaha Hey’ada Simha ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Media Group Xasan Cali Geeseey.

Gudoomiyaha Hey’ada SIMHA ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Media Group Xasan Cali Geeseey  ayaa sharaxay ahmiyada ay  leedahay doodaan ay u qabatay Wariyaasha.

“Soomaaliya waxa ay marwalba lambarka 1aad ka tahay meelaha ugu halista badan ee uu Wariye ka Shaqeeyo marka la qiimeynaayo waana markii loo fiiriyo dhinaca dilalka wariyayaasha,waxad og tihiin ama aan u maleynayaa in sanadihii ugu darnaa in ay ahaayeen  2011 ilaa 2012 tiro badan oo 20 ku dhow oo wariyaal ah ayaa dhintay magalada muqdisho haba ugu badnaadene,narka duruufahaas amniga ah marka duruuftaas ayaa sababtay in wariyaasha wixii ku jiray aysan sida saxda ah u sheegi Karin ileyn qofka marwalba banaanka ayaa loo taagan yahay lamina yaqaano cidda dileysa mana heystaan cid difaaceyso ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’ada SIMHA.

Qabiir Saxaafadeed  Ustaad Faarax Cumer Nuur, Yaasiin Juum,iyo Cabdi Cadoow ayaa Wariyaasha ku biiriyay aragtidooda heerka xorriyada Saxaafada iyo sida ay tahay iyo Wariyeyaasha doorka dhexdhexaadnimo ay umuujiyaan,iyaga oo sidoo kale dardaaran u jeediyey.

Tan iyo sannadkii 1992-kii, waxaa la dilay Saxafiyiin tiradoodu dhan tahay 1,290 Saxafi Waxaa nolol ama geeri lagu la’ yahay 58 Saxafi halka boqolaal kale ay dalka isaga carareen,waxana  Sannadkii 2009-kii uu noqday sanadkii ugu  dhimashada badnaa ee Wariyayaasha marka loo eego sannadaha kale, iyadoo la dilay 76 Saxafi.

Hoos Ka Daawo Warbixin aan ka diyaarinay  Kulanka dooda ahaa ee Maanta ay Suxufiyiinta u qabatay Hay’adda SIMHA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media