Daawo:-AMISOM oo cadeysay Mowqifkeeda Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka Somalia

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa War ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan ee khilaafka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Arbacadii hore in xaalada Siyaasadeed ee dalka ay gaartay meeshii ugu xumeyd taas oo keentay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay faragelin sameeyeen si xaaladii taagneyd loo qaboojiyo.

Waxaa kaloo uu sheegay in AMISOm ay dhowreysi,isla markaana ay tixgelineyso madax banaanida dadka Soomaaliyeed,iyaga oo mar walba ku dadaalaya sidii looga hortegi lahaa caqabado ka dhasha xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan farriimo ka helnay madaxdeena ku sugan dalka Itoobiya taas oo ku saabsan in AMISOM ay u xil saaran tahay amniga,iyada oo kaashenysa Ciidamada Soomaaliya ilaalinta Amniga Xarumaha dowladda oo ay ka mid tahay Xarunta Golaha Shacabka ayuu yiri Amb. Francisco Madeira”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in AMISOM ay go’aan ay kaligeed gaartay ku sugi Karin amniga Xarunta Golaha Shacabka balse ay kula wareegi karaan hadii ay ka codsadaan Madaxda Hay’addaha ammaanka Soomaaliya laakin ay weli diyaar u yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed.

Hadalka Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxda AMISOM ayaa ka dambeyey kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay ashtako ka gudbisay hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Paul Lokech kaas oo ahaa in AMISOM ay la wareegeyso amniga Xarunta Golaha Shacabka inta laga dhameynayo khilaafka Baarlamaanka.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Amb. Francisco Madeira.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media