Ciidamada amniga oo Muqisho ku qabtay qaraxyo iyo dadkii waday

Ciidamada Amniga ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee  Gobolkan Banaadir howlgalkaas oo sida ay Saraakiishu sheegeen ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga sameynayay Garaash bartilmaameed ahaa sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mi ah dadka ku nool Xaafada Kaawa Godeey oo uu howlgalku ka socday.

Saraakiil sigaar ah ula hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ujeedkii laga lahaa lagu guuleestay isla markaana Garaashka ay ciidamadu ka soo qabteen Laba Nin iyo Gaari Garaashka u yaallay oo ay saarnaayeen  caagaga loo yaqaano labaatan qaadka oo ay ka buuxaan waxyaabo loo maleynayo in ay qarax yihiin .

Sidoo kale waxa ay sheegeen in iminka lagu haayo Saldhiga degmada Wadajir isla markaana dhawaan loo sii gudbin doono Xarumaha kale ee laamaha amniga.

Wararka kale ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayan in raggaan la qabtay ay dhawaan ka yimaadeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media