Caruur Isku-Qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Miino ku qaraxday

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Ceelbuur ayaa waxa ay sheegayaan in ay Caruur u geeriyoodeen Miino la qaraxday xili ay Garaacayeen miinadaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa Miino ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa labo Caruur ah oo halka labo kalena ay ku dhaawacmeen sida ay Dalsan u xaqiijiyeen dad ku sugan Bariga Gobolka Galgaduud.

Caruurtaan geeriyootay  iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegayaa in dhammaantood ay ahaayeen kuwo isku qoys ahaa oo wada dhashay,isla markaana garaacayay haraadiga waxyaabaha qarxa oo yaaley meel u dhow hooygooda.

Labada Caruurta ah ee dhaawacantay ayaa lageeyay  isbitaalka Magaalada dhuusamareeb ee isla Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ah kuwo mararka qaar ka dhaca Gobolada dalka Soomaaliya,iyada oo loo sababeynayo in weli dhulka Miyiga ah ay ku dambeeyaan haraadiga ay sababeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media