Cali Khaliif oo Odayaasha Magalada laas-caanood kala hadlaya dagaalka Tukaraq

Waxaa maal mahaan degan xaalada deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo kala sheegtay in dagaalkii dhacay ay guulo ka gaareen.

In kastoo xaalada tukaraq ay haatan tahay mid degan oo uusan dagaal ka socon ayaa hadana wararka nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay wadaan hub aruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan,iyada oo la filan karo in uu dagaal dhaco.

Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka sool oo uu Maamulka soomaaliland gacanta ku hayo ayaa ka mid ah deegaanada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyada ciidan,iyada oo ay ka socdaan kulamo looga arrinsanayo xaalada tukaraq.

Madaxweynihii Maamulka Khaatuma balse ku biiray Maamulka Soomaaliland Cali Khaliif Galeyr oo ku sugan Magaalada laas-caanood ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka Magaaladaas.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Cali Khaliif uu Odayaasha kala hadli doono xaalada tukaraq iyo dagaalka ay Soomaaliland wajaheyso maadaama isaga uu ku biiray Maamulka soomaaliland.

Sikastaba Puntland masuuliyiin ka tirsan ayaa Isniintii waxa ay sheegeen in uusan joogsan doonin dagaalka tukaraq ilaa Puntland ay la wareegeyso deegaanada Gobolka sool ay ka maamusho Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media