“Anagu waan jecelnahay Midnimada Soomaaliya laakin hal mid ayaa inooga xiran”Muuse Biixi

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse biixi Cabdi oo Saxaafadda kula hadlayay Magalada Haargeysa ayaa ka hadlay xuska markii Maamulkaasi uu shaciyey in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale iyo xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa marka hore sheegay in 27 Sano uu oo maamulkaasi jiray in waxbadan ay u qabsoomeen horumarna ay gaareen,isaga oo baaq udiray Shacabka ku nool deegaannada Maamulkaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo hadal qaaday xaalada Siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in Midnimada Soomaaliya halkii laga bilaabay ay tahay Soomaaliland,waxa uuna sheegay in Soomaliya oo mid ah lagu heli karo.

“Runtii aduunka oo dhan waa la wada midoobayaa,laakin Soomaali jaceyl anaga kow ayan ka nahay laakin balse waxaa muhiim ah in laga gudbo tala xumada heysata dadka Soomaliyeed lana wada hadlo ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media