Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan G/Sanaag

Waxaa Maanta degen xaalada deegaanka Darar-weyne oo ka tirsan deegaanka Ceel Afweyn oo qiyaastii 100KM ka Xigta Koonfuta Magaalada Ceerigaabo halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba beelood.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaaro soo kala gaaray labada maleeshiyo beelood kadib markii uu dagalkooda ka bilaawday dagaala ka dhacay deegaanka Darar-weyne,waxana la sheegay in ay ku geeriyooden ila 10 Ruux 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Soomaaliland Mudane Axmed Cali Falay ayaa sheegay inay Soomaaliland gaystay ciidamo goobta uu dagaalkaasi ka dhacay wuxuuna sidoo kale sheegay in lagu guulaystay in la joojiyo dagaalkaasi.

Dadka qaarkood ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan goobta uu dagaalka ka dhacay iyaga oo ka cabsiqaba in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalkaas.

Maamulka Gobolka Sanaag iyo waxgaradka Gobolkaas ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ay wadaan waan waan ku aadan sidii dagaalkaas loo joojin lahaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media