Dhageyso:-Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray xaalada Siyaasadeed ee dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalda Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo khilaafyadii Siyaasadeed ee dhacay.

Warka qoraalka ah ayaa loogu soo jeediyay Siyaasiyiinta mucaaradka ah fariin ku aadan in mucaaradnimadooda ay noqoto mid wax dhista balse aysan noqon mid wax dumisa.

Sidoo kale Culumada ayaa waxa ay ka digeen in awood aan sharci aheyn la adeegsado iyaga oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa Warbaahinta u Akhriyay Bayaanka ay Maanta soo saareen.

Hoos KaDhageyso Codka kana  Akhriso Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media