50 qof oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen Gobolka Awdal

Mas’uuliyiinta gobolka Awdal ayaa rasmi ahaan u xaiijiyey in warbixinta horhdaca ah ee la sameeyey ay muujinayso in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen gobolkaasi, kadib roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkii hore da’ay.

Dhinaca kale maamulka ayaa la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu gurman lahaa dadka ku hanti belay duufaantaas sagaar.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maalmahan ku maqnaa deegaanada degmooyinka waxyeelada ugu badani ka soo gaartay duufaanka ayaa sharaxay dhibaatadii uu halkaasi ku soo arkay.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay  kulan dhexmaray isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Somalia oo Boorama yimid.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Awdal.