4 qof oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Jaamacad ku taalla Turkiga

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay Jaamacadda OSMAANGAZI  oo ku taalla Gobalka ESKISETUR ee K/galbeed ee dalkaasi.=

Ninka dilka geystay oo ahaa Cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda ayaa la sheegay inuu toogtay Macalliminn ku sugnaa Kulliyadda Waxbarashadda ee Jamacadaasi, mana kala cadda sababaha uu dilka u geystay.

Eedeysanaha waxa uu ugu dambayntii isku soo dhiibay Boliska, waxaana loo gudbiyey Xabsiga.